HomeCiyaarahaGuardiola oo ka tagaya Manchester City haddii…..

Guardiola oo ka tagaya Manchester City haddii…..

XIGASHO LAACIB.NET

Kooxda Manchester City ayaa weli si adag ugu jirta tartanka hanashada Premier League, kadib guushii 1-0 ee ay ka gaartay Leeds, taasoo ka dhigtay inay 5 dhibcood oo keliya ka dambeeyaan hoggaamiyayaasha Arsenal.

Iyadoo City ay u dagaallamayso koob kale oo horyaalka ah, hadal-heyn xooggan ayaa ka taagan mustaqbalka tababaraha Pep Guardiola ee Etihad.

Goolhayihii hore ee Premier League, Shay Given, ayaa soo jeediyay in Guardiola laga yaabo inuu ka tago City haddii uu ku guuleysto horyaalka xilli ciyaareedkan, isagoo barbar dhigay sida Alex Ferguson uu uga fariistay kubadda cagta kadib markii uu horyaal la qaaday Manchester United sanadkii 2013.

Given ayaa yiri:

“Arsenal waxay u badan tahay inay haystaan koox qoto dheer, laba ama saddex ciyaaryahan boos walba.”

“Laakiin Pep wuxuu si cad u muujiyay inuu isaguna doonayo isla koobkaas. Cajiib ayay tahay, kooxdii badisa kulamada ka haray ayaa ku guuleysan doonta horyaalka.”

“City si buuxda ayay ugu jirtaa tartanka, aniguna waxaan u janjeeraa dhinacooda.”

Wuxuu intaas ku daray inuu dareemayo in Guardiola uu doonayo inuu ku baxo guul sare, maadaama uu dib u dhisay kooxda, taasoo fursad siin karta qof kale inuu la wareego, balse isagoo kaga tagaya meel sare haddii uu hanan karo horyaalka.

XIGASHO LAACIB.NET

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -