XIGASHO.NET

Tababaraha Manchester City, Pep Guardiola, ayaa ka hadlay sababtii kooxdiisa loogu garaacay garoonka Etihad Stadium.
Guardiola, oo ka hadlay shir jaraa’id kadib ciyaarta, ayaa qiray in kooxdiisu aysan si wanaagsan uga jawaabin cadaadiska iyo difaaca adag ee Spurs, kaddib markii ay goolal kaga horyimaadeen Brennan Johnson iyo João Palhinha.
“Waxaan luminay tayada ciyaaryahannadeena iyadoo waxyaabaha ugu fudud ee kubadda lagu sameeyo aanan sidii la rabay u hirgelin. Taasi waxay keentay in marka aan la ciyaarno kubad furan ay iyagu ka faa’iideystaan, dabadeedna ay goolka labaad dhaliyaan dhamaadka qeybtii hore. Kadib way adkaatay.”
Guardiola ayaa intaas ku daray:
“Fursado waan haysannay, laakiin si wanaagsan uguma jawaabin calaamadeynta iyo cadaadiska. Waxaan ogayn in Thomas (tababaraha Spurs) uu sidaas sameynayo. waana dhacday.”
Guuldarradan ayaa City u horseeday in ay waayaan dhibco muhiim ah iyagoo ku ciyaarayay garoonkooda, halka Tottenham ay sii xoojisay kalsoonida iyo bilowga xilli ciyaareedkooda.
