XIGASHO LAACIB.NET
Tababaraha Manchester City Pep Guardiola ayaa si cad u sheegay inuusan marnaba dib ugu laaban doonin Barcelona, isagoo meesha ka saaray in uu mustaqbalka u noqonayo tababare ama xitaa madaxweyne kooxdaas.
Guardiola: “Way iiga Dhammaatay inaan ku laabto”
Guardiola oo la hadlayey GQ Magazine ayaa yiri:
🗣️ “Way iiga dhammaatay. Wuxuu ahaa waqti qurux badan, balse hadda wuu soo dhammaaday.”
Markii la weydiiyey haddii uu u tartami doono xilka madaxweynenimada Barcelona, waxa uu si degdeg ah u sheegay:
🗣️ “Maya! Anigu arrimahaas kuma fiicni.”
Taariikhdiisii Barcelona
- Guardiola wuxuu kasoo baxay akadeemiyadda caanka ah ee Barcelona.
- Wuxuu u saftay kooxda 382 kulan ciyaaryahan ahaan, wuxuuna la qaaday:
- 6 koob oo horyaalka La Liga
- 1 Champions League (European Cup)
- Wuxuu noqday tababaraha koowaad ee kooxda sannadkii 2008, halkaas oo uu kula shaqeeyey xiddigaha caanka ah ee Lionel Messi, Xavi Hernandez iyo Andrés Iniesta.
- Intii uu tababaraha ahaa, wuxuu kooxda ku hoggaamiyay:
- 3 horyaal La Liga
- 2 Champions League
- Guud ahaan 247 kulan ayuu kooxda maamulay ka hor inta uusan ka tagin 2012.
Pep Guardiola wuxuu si rasmi ah u xaqiijiyey in xiriirkiisa shaqo ee Barcelona uu yahay mid dhammaaday. Inkasta oo uu yahay halyey ay ku weyn tahay taariikhda naadiga, haddana wuxuu u muuqdaa mid go’aan adag ka qaatay in uu mustaqbalka ka fogaado garoonka Camp Nou – tababare ahaan ama hoggaan ahaanba.

