HomeCiyaarahaGuardiola oo xaqiijiyay in saddex xiddig oo muhiim ah ay deegi doonaan...

Guardiola oo xaqiijiyay in saddex xiddig oo muhiim ah ay deegi doonaan kulanka Man United!

XIGASHO LAACIB.NET

Tababaraha Manchester City, Pep Guardiola, ayaa xaqiijiyay in kooxdiisu ay waayi doonto saddex ciyaaryahan oo muhiim ah kulanka Premier League ee Axadda ay la yeelanayaan Manchester United.

Isagoo la hadlay saxaafadda Jimcihii ka hor ciyaarta, Guardiola waxa uu sheegay in Omar Marmoush, Rayan Aït-Nouri iyo Rayan Cherki aysan ka qayb qaadan doonin kulanka ka dhanka ah Red Devils.

Macallinka reer Spain ayaa sidoo kale shaki galiyay in difaaca John Stones uu diyaar u noqon doono ciyaarta ka dhacaysa garoonka Etihad ee ay la ciyaarayaan kooxda uu hogaamiyo Rúben Amorim.

Guardiola oo la hadlay Manchester Evening News ayaa yiri: “Omar [Marmoush] waxa uu dhaawac kala soo laabtay xulka Masar. Rayan Aït-Nouri iyo Rayan Cherki way maqan yihiin.

“John Stones shaki ayaa ku jira laakiin ma aha arrin weyn. Inta kale waa hagaagsan yihiin. Marmoush waxaan filayaa dhowr toddobaad inuu maqnaan doono, laakiin ka hor fasaxa caalamiga ah wuu soo noqon doonaa.

“Waxaan soo laabanay shalay, ciyaartoyduna way fiicanyihiin. Waxaan ogahay sida ay muhiim u tahay taageerayaasheena, waa kulan aad muhiim u ah. Waxaan kalsooni badan ku qabaa ciyaartoyda.”

XIGASHO LAACIB.NET

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -