Muqdisho, Jannaayo 21, 2024: Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Ku-simaha Madaxweynaha JFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay madaxda hay’adaha UNICEF, UNFPA, UNWOMEN iyo UNDP ee Soomaaliya.

Guddoomiye Sheekh Aadan ayaa ugu horeyn ka dhageystay warbixinada shaqooyinka sanadkii tagay ee 2023-ka la qabteen Golaha Shacabka iyo qorshayaasha 2024. Sidoo kale kulanka ayaa looga hadlay kor u qaadista aqoonta iyo tababarada Xildhibaanada, dib u eegsita dastuurka KMG ah iyo guud ahaan wadashaqeynta Golaha Shacabka iyo hay’adaha Qaramada Midoobay.

Advertisement

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna Ku-simaha Madaxweynaha JFS ayaa madaxda hay’adaha UNICEF, UNFPA, UNWOMEN iyo UNDP ee Soomaaliya uga mahadceliyay shaqada wanaagsan oo ay ka qabteen dalka, isagoo kula dardaarmay in sanadkaan laba jibaaraan dhammaan shaqooyinka ay dalka ka hayaan gaar ahaan BJFS oo ay hortaalo shaqooyin muhiim u ah geedi socodka dowladnimada Soomaaliya.

DHAMMAAD

Previous articleMadaxweynaha oo la kulmay gudoomiyaha Baarlamaanka Carabta+SAWIRRO
Next articleMadaxweynaha Masar oo si cad u sheegay inuu difaacayo Somalia

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here