HomeWarkiiGud.Aadan Madoobe muxuu kala hadlay wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay+SAWIRRO

Gud.Aadan Madoobe muxuu kala hadlay wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay+SAWIRRO

Muqdisho, Soomaaliya 24, Agoosto, 2025: Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swan.
Ujeedka kulanka ayaa waxa uu ahaa xoojinta wada shaqeynta Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, waxaana Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay uu Guddoomiyaha Golaha shacabka faahfaahin ka siiyay howlaha xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxmaed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ku amaanay wadashaqeynta wanaagsan ee kala dhaxeysa Golaha Shacabka, waxa uuna uga mahadceliyay taageeradda ay mar walba la garab taaganyihiin Shacabka Soomaaliyeed iyo dowladooda, waxa uuna ku booriyay in ay sii laba jibbaaraan taageeradadooda Soomaaliya.
DHAMMAAD.
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Agaasimaha Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta ee Golaha Shacabka BJFS.
Ibraahim Guudle IsxaaqMay be an image of 1 person, dais and textMay be an image of 3 peopleMay be an image of 4 people and textMay be an image of 1 personMay be an image of 1 person and daisMay be an image of 1 person and dais
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -