Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay weheliyaan xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ayaa kulan la qaatay jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Mareykanka

Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool magalada Washington ee dalka Mareykanka ayaa waxay Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo wafdigiisa lawadaageen xaalada guud ahaan dadka Soomaaliyeed ee ku nool Mareykanka, iyagoona warbixin ka siiyay nolosha dalka ay ku sugan yihiin.

Advertisement

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo gunnaanadka kulanka ka hadlay ayaa boggaadiyay jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool magalada Washington, waxaana uu u sheegay in dalka uu ka socdo dagaal lagu cirib tiraayo Kooxda Khawaarijta Al Shabaab, waxaana uu Guddoomiyaha jaaliyada reer Washington ku dhiirageliyay inay kaalin mug leh ay ka qaataan horumarinta dalka iyo dagaalka lagu ciribtirayo Khawaariijta.

=XIGASHO WARBAAHINTA DOWLADA=

Previous articleMaamulka Qaatumo oo lagu soo daray ciyaaraha Maamul Goboleedyda+SAWIRRO
Next articleMid ka mida Taliyayaasha oo Ciidamada kala hadlay Salaada iyo Dowladnimada+Sawirro

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here