Guddiga doorashada Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Puntland oo la magacaabey

Kadib markii Maanta Xildhibaannada Baarlamaanka Puntland ay xilkii ka qaadeen Guddoomiyihii Baarlamaanka Puntland Cabdi Xakiin Dhoobo-daareed ayaa waxaa la Magacaabey guddi ka Shaqeyn doona doorashada Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Puntland.

Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee baarlamanka Puntland Abuukaate Cabdi Casiis ayaa Magacaabey Guddi ka kooban 7 Xubnood,kuwaas oo lagu amray in mudo kooban ay ku qabtaan doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Sidoo kale waxaa uu fadhigii Maanta ee Baarlamaanka ka sheegay in doorashada Gudodomiyaha Baarlmaanka ay dhici doonto Khamiista oo socota oo taariikhdu ku began tahay 14- November Sanadka 2019.

Gudodomiyihii Baarlamaanka Puntland Cabdi Xakiin Dhoobo-daareed weli kama hadlin xilka qaadista ay Maanta ku sameeyeen Xildhibaannada Puntland, iyada oo Maanta deegaannada Puntland siweyn looga dareemayo Go’aanka Xildhibaannada.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064