Guddiga Isku dhafka ah ee Labada Gole BFS u qaabilsan Doorashada Madaxweynaha 10aad JFS ayaa Xildhibaannada, Senatarada, martida iyo dhammaan dhinacyada fasaxa u heysta in Doorashada ugu baaqay in 8:00 AM tagaan Teendhada Afisiyooni.

Guddigu waxa uu sheegay in haddii dhinacyadaan Hoolka tagaan waqtiga loo qorsheeyay in Doorashadu billaabaneyso 10:00 AM (Tobanka Barqonimo) ee maanta si dalka uu u yeesho Madaxweynaha 10aad ee Jamhuuriyadda.

Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macalimu oo xubin ka ah Guddiga Isku dhafka ah ee Doorashada Madaxweynaha Federaalka ayaa adkeeyay in la dhaqangeliyo qodobada Amni ee lagu xakameynayo Doorashadaas.

“Dhammaan Xildhibaannada labada Gole ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare waxaa lagu adkeynaa in teendhada soo gaaraan 8ta subaxnimo (8:00 AM) waxaa sidoo kale la qorsheynayaa in howshaas ay billaabato 10ka subaxnimo (10:00 AM), Guddigu waxa uu xildhibaannada ku adkeynayaa in ay waqtiga ilaaliyaan si Doorashadaas waqti fiican loo qabto maadaama Dadka Soomaaliyeed oo dhan Indhahooda halkaan kusoo jeedaan” ayuu yiri Maxamed Ibraahim Macalimu.

Martida kale ee lagu casuumay in ay goobjoog ka ahaato Doorashada Madaxweynaha 10aad ee Jamhuuriyadda waxa uu Guddigu ku adeeyay in ay ilaaliso xilliga ku xusan jadwalka la siiyay, waxa uu amaanay doorka amni sugidda ah ee Ciidanka DFS & Kuwa ATMIS.

Xildhibaannada iyo Dadka kale ee fasaxa u heysta doorashada waa in gawaaridooda uga soo tagaan goobaha loo asteeyay, cid Gaadiid la imaaneyso ma jirto, Waxaa loo mahadcelinayaa Ciidamada qalabka sida guud ahaan ee amniga sugaya & kuwa howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS oo garabsiinaya” ayuu yiri Xildhibaan Macalimu.

Waxaa aad loo hadal hayaa Doorashada Madaxweynaha 10aad ee JFS oo maanta ka dhaceysa Magaalada Muqdisho, qabsoomidda Doorashadaan waxa ay soo afjareysaa sanad iyo saddex bil (15 bil) oo uu Villada sharci darro ku joogay Madaxweynihii 9aad ee Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here