Guddiga Doorashooyinka Puntland oo caasimadda Kenya kula kulmay Wafdi ka socda Midowga Yurub

 

Guddiga Doorashooyinka Puntland oo caasimadda Kenya kula kulmay Wafdi ka socda Midowga Yurub

Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya waxaa kulan ku yeeshay Guddiga KMG ee Doorashooyinka Puntland iyo madax ka socota Midowga Yurub, gaar ahaan qaybta dowladnimada iyo Dimuqraadiyada.

Kulanka ayaa labada dhinac waxaa ay uga wada hadleen  sidii Midowga Yurub uga qayb qaadan lahaa hirgalinta hannaanka xisbiyada badan ee Puntland.

Ilo xog-ogaal ah ayaa Risaala waxaa ay u sheegeen  la isku raacay in laga wada Shaqeeyo hirgelinta hannaankaan,iiyada oo dhowaan wadashaqaynta labada dhinac bilaaban doonto.

Guddiga doorashooyinka ayaa sidoo kale waxaa la filayaa in maalmaha soo socda ay kulamo kala duwan la qaataan Madax ka tirsan Dowladaha taageera Soomaaliya ee ku sugan  Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064