Guddiga ka kooban 10ka Xildhibaan ee uu Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaaalka Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe u magacaabay Dagaalkii Baraawe ka dhacay 11kii June 2023 ayaa billaabay kulamo ay uga dabatagaan xaqiiqada.

Xubno katirsan Guddiga ayaa lagu wadaa in ay tagaan Magaalada Baraawe Xarunta DG Koofur Galbeed si ay ula kulmaan Saraakiisha Ciidanka Federaalka iyo kuwa Daraawiishta Dowlad-Goboleedkaas ee ciidamada ay u taliyaan dagaalameen.

Advertisement

Guddiga ayaa raadinaya waxa dhaliyay dagaalka, cidda qaadaneysa mas’uuliyadda sida uu ku billowday, khasaaraha Dhimashada, Dhaawaca, Hantida wax ku noqotay iyo su’aalaha kale uu ka sugayo Guddoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS.

Ilo kala duwan ayaa warbaahint u sheegay in Saraakiil katirsan Ciidanka Federaalka iyo kuwa Daraawiishta DG Koofur Galbeed oo kusoo baxay daminta xiisadda labada ciidan in ay billaabeen baaris madax-bannaan oo xaqiiqada ay ku ogaanayaan.

La soco wixii kasoo kordha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here