Muqdisho (dayniiile.com)-Guddoomiyaha guddiga ka hortagga HIV/AIDS ee Soomaaliya Axmed Maxamed Jimcaalle ayaa beeniyay war uu isaga laftiisa sheegay oo ahaa in lix bil gudahood Soomaaliya laga helay 11 kun ruux oo qaba HIV Aids.
Gudoomiye Axmed Maxamed Jimcaalle ayaa sheegay in wareysigii dhawaan uu siiyay idaacada VOA-da uu si qaldan wax u sheegay uuna isku qalday tirada guu ahaan iyo mida bilihii ugu danbeeyay.
Masuulkaan wuxuu sheegay in lixda bilood ee sanadkaan ugu horeysa Janaayo ila June laga helay HIV Aids 436 ruux oo Soomaali ah islamarkana ayan jirin tiradii uu dhawaan sheegay.
“11-ka kun ee aan sheegay waxaan ula jeeday guud ahaan tirada dadka soomaaliya ee uu ku dhacay cudurkaan intii uu soo jirey balse kaliya sanadkaan lix bil gudahood waxaa uu haleelay 436 ruux” ayuu yiri Gudoomiyaha.
XAFIIKA WARARKA
DAYNIIILE.COM