HomeWarkiiGuddiga madaxabannaan ee xuquuqul insaanka Qaranka oo Caawa la meel-mariyay

Guddiga madaxabannaan ee xuquuqul insaanka Qaranka oo Caawa la meel-mariyay

Muqdisho, Khamiis 3 Luulyo, 2025: — Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa caawa si aqlabiyad ah u ansixiyay 9 Musharax ee Guddiga Madaxabannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka (GMXIQ), oo ay soo gudbisay Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka.
Go’aankan waxaa lagu gaaray si waafaqsan xeer hoosaadka Golaha, Dastuurka KMG ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyo iyada oo la tixraacayo Qodobka 17aad, farqaddiisa (1) ee Sharci Lr. 16 ee 27 Juunyo 2016, kadib markii la sameeyay hab-raac xulid oo adag, hufan, oo daah-furan, si buuxanna u waafaqsan Qodobada 8aad, 15aad iyo 16aad ee isla sharcigaas.
Murrashaxiinta waxaa lagu soo xulay iyadoo lagu saleynayo kartidooda, daacadnimadooda, iyo hufnaantooda, iyo iyada oo la raacayo habraacyada caalamiga ah, gaar ahaan Mabaadi’da Baariis iyo Gunaanadyada Guud ee GANHRI (Isbahaysiga Caalamiga ah ee Hay’adaha Xuquuqul Insaanka ee Qaran).
Xubnaha Guddiga oo ka kooban sagaal ayaa waxay kala yihiin:
1.⁠ ⁠ Axmed Shiikh Xamsa Abshir
2. Cali Maxamed Cilmi
3. Cumar Cabdulle Calasow, (PhD)
4. Dr Maryam Qaasim Axmed
5. Faadumo Cabdiqani Yuusuf
6. Farxaan Maxamed Jimcaale
7. Maxamed Cismaan Maxamuud, (PhD)
8. Maxamed Haaruun Maxamuud
9. Muumina Shiikh Cumar
May be an image of 1 person and textMay be an image of 1 person, hospital and textMay be an image of 1 person and textMay be an image of 1 person and textMay be an image of 1 person and textMay be an image of 1 person and textMay be an image of 1 person and textMay be an image of 1 person and textMay be an image of 1 person and text
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -