MUQDISHO (DAYNIIILE.COM)-Guddiga racfaanka xiriirka kubadda cagta Soomaaliya ayaa goor dhaw ka jawaabay racfaankii ay qaateyn ururuka kubadda cagta Gobalka Banaadir.

Gudiga wuxuu meesha ka saaray racfaan qaadashada Gobolka Banaadir wuxuuna ayiday go’aankii gudiga dishibiliinka xiriirka Kubada Cagat ee dhibcaha lagu siiyay Hirshabelle.

Advertisement

Hirshabelle ayaa la isugu daray 3 dhibcood iyo sedex gool waxana loo aqoonsaday Gobolka Banaadir inuu sabab u ahaa inay joogsatay ciyaartaas xili daqiiqaduhu marayeen 70.

Guddiga racfaanka xiriirka kubadda cagta Soomaaliya wuxuu sidoo kale kansalay oo waxba kama jiraan laga soo qaaday dhamaan wixii calaamad ganaax ah ee la bixiyay kulankaasi 4-tii bishaan u dhexeeyay kooxaha Hirshabelle iyo Banaadir.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleReer Boorame oo si weyn u diiday Damaca Abiy iyo Muuse Biixi
Next articleDAAWO: Shacabka Degmada Lug-haye oo hubkooda la soo baxay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here