Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa maanta xilka u kala wareejiyey Guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida Sareeyo Guuto Liibaan Cali Yarrow iyo Guddoomiyihii hore Maxkamadda Sareeyo Guuto Maxamuud Axmed Xasan (Dalab).

Munaasabad kooban oo lagu qabtay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga, oo ay ka soo qeyb galeen mas’uuliyiin ka socday Ciidamada Qalabka Sida iyo marti sharaf kale ayaa waxa ka hadlay Guddoomiyihii hore ee Maxkamadda Sare ee Ciidamada Sareeyo Guuto Maxamuud Axmed Xasan (Dalab) oo sheegay in uu diyaar u yahay la shaqeynta Guddoomiyaha cusub.

Guddoomiyaha cusub  ee Maxkamadda Sare ee Ciidamada  Qalabka Sida Sareeyo Guuto Liibaan Cali Yarrow ayaa tilmaamay in howsha uu halkiisa ka si wadi doono, isagoo ka mahadceliyey cidkasta oo gacan ka geysatay xilka loo igmaday.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa Guddoomiyihii hore uga mahadceliyay howsha uu so qabtay, waxaana uu Guddoomiyaha cusub kula dardaarmay inuu si daacadnimo ay ku jirto uu u guto waajibaadka shaqo ee loo igmaday.

Sareeyo Guuto Liibaan Cali Yarrow ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud u magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidanka Qalabka Side ka dib soo jeedin ka timid Wasiirka gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here