Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaaladda Muqdisho Cumar Maxamed Maxamuud Cumar Finish ayaa Mucaawiye Axmed Muudey, u magacaabay guddoomiyaha cusub ee degmada Xamar Jajab ee gobolka Banaadir.

Wareegto ka soo baxday Xafiiska gudoomiyaha gobolka ayaa Muudeey loogu magacaabay gudoomiye degmadaasi waxaana laga dalbaday in uu si deg deg ah ula wareegto xilka gudoomiyaha degmadaasi si uu isii wada “howlaha baaxada leh ee horyaalla”

Mucaawiye ayaa bedelay guddoomiyihii degmadaas, Allah u naxariistee, Maxamed Cabdi Axmed oo la dilay 17 bishan Abril.

Guddoomiyaha cusub oo ah nin dhalinyaraa ayaa ka soo shaqeeyay warbaahinta gudda

Office Nairobi Kenya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here