Guddoomiyaha degmada Bardaale Maxamed Isaaq ayaa qeylo dhaan ka muujiyay in dadka deegaankaasi ay alshabaab barakicin xoogan ku hayaan sida uu sheegay.

Maamulka degmada Bardaale ee gobolka Bay ayaa sheegay in dagaalamayaasha Al-shabaab ay tobanaan qoys ka soo barakiciyeen deegaanada hoos taga Magaalada Bardaale.

Wararka ayaa sheegaya in arintaan ay timid kadib markii qoysaskaas ay diideen inay askareeyaan caruurtooda.

Sidoo kale Hey’adaha samafalka ayuu guddoomiye Maxamed Isaaq ka codsaday inay dadkaan u soo gurmadaan, maadaama ay fooda nagu soo heydo bisha barakeysan ee Ramadaan, isla markaana ay yihiin dad danyar ah oo guryahoodii laga soo barakiciyey.

Office Nairobi Kenya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here