Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ka qeyb galay shaacinta natiijada imtixaanka fasalka 8-aad ee sanad dugsiyeedka 2022/2023 oo sanadkan ay u fadhiisatay 31,372-Arday oo ka kala socda 76-xarumood iyo 1,592 fasal oo dhamaantood kamid ah dugsiyada Gobolka Banaadir.

Agaasimaha guud ee waxbarashada Gobolka Banaadir Dr. Cabdifitaax Bare oo natiijadaan shaaciyay ayaa sheegay in ay gudubtay 30,837 Arday waxaa dhacay 535 Arday kuwaas oo dhawaan u fadhiistay imtixaanka fasalka 8-aad ee sanad dugsiyeedka 2022/2023.

Advertisement

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa hambalyeeyay ardaydii gudubtay imtixaanka fasalka 8aad ee dugsiyada Gobolka Banaadir, isaga oo sidoo kale la dardaarmay waalidiinta Soomaaliyeed.

Previous articleMaamulka gobalka Banaadir, maanta waxay sheegeen sida warbaahinta dawladdu tabisay in ay dawladda Talyaaniga ay u baahatay dhulka Kaasa Italia
Next articleQaramada Midoobay oo loogu baaqay inay soo farageliso gubay Qur’aan ka dhacay dalalka Sweden iyo Denmark

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here