Guddoomiyaha gobolka Gedo Cabdullaahi Cabdi Jaamac Shimbir oo wareysi siiyay Idaacada BBC laanteeda afka Somaliga ayaa ku dhawaaqay in ay soo dhamaatay wada shaqeyntii isaga iyo dowladda federaalka isla markaana ay Jubaland isku fahmeen xaaladda gobolka iyo in uu helo wixii uu xuquuq u lahaa.
Mr Shimbir wuxuu xusay in markii hore uu magacaabay madaxweynaha Jubaland, basle markii dib loo doortay aanu ku qancin arrintaasi sidaa darteena uu u aaday dhanka dowladda federaalka ah,sidoo kale wuxuu sheegay in mudadii uu dowladda la shaqeynayay uu rabay in gobolka laga qabto doorasho qof iyo cod ah lana helo wixii uu xuquu u lahaa hase-yeeshee wuxuu ku andacooday in waqtigii uu ka dhamaaday dowladda iyadoon waxba qaban.
C/laahi Shimbir wuxuu intaa ku daray in hadda aanu yeeli doonin in gobolkaasi dowladdu timaado oo doorasho ka qabato.
Mar uu ka hadlayay sababta uu uga hor yimid Dowlada ayuu ku sheegay inay wax qabadkii ay ka filayeen ay ka waayeen,wuxuu tilmaamay Madaxweyne Xasan uu doonayo inuu Jubaland la heshiiyo faderaal ahaan laakiin uusan rabin in anaga reer Gedo ahaan inaan la heshiino maamulka aan ka tirsanahay ee Jubaland.
