Guddoomiyaha Gobalka Hiiraan mudane Cali Jeyte Cismaan ayaa Isbitaalka Digfeer ee magaaladda Muqdisho ku booqday Dhaawacyadii ku waxyeeloobay qaraxyadii Al-Shabaab Iyo dagaaladii lala galay ee tooska ahaa, isagoo mid mid uga wareeystay bukaanada  xaaladooda Cafmaad ee guud.

Wariye khaalid Cismaan (Ilkacase) oo kamid ahaa Dadkii ku wax yeeloobay qaraxii Degmadda Maxaas ee Gobalka Hiiraan iyo Dadkale oo Shacab ahaa ayuu guddoomiyaha u kuur galay xaaladooda Caafimaad .

Guddoomiyaha Gobalka Hiiraan  ayaa xusay in wariye khaalid ilkacase uu markii Sadaxaad u dhaawacmay u qidmeeynta Dadkiisa , wuxuuna alle uga baryay cafmaad taam Ah inuu siiyo.

Guddoomiyaha ayaa Alle SWT uga baryay dhamaan Shacabka dhaawaca ah inuu Cafmaad taam ah siiyo bukaanadda ku wax yeeloobay weerarada Al-Shabaab,  isaga oo ballan qaaday in xaaladooda si dhow loola socon doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here