Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Cali Jeeyte Cismaan ayaa nasiib daro ku tilmaamay in xildhibaan Cabdirisaaq Xusul oo ka tirsan Xildhibaannada Golaha Shacabka in Dad Soomaaliyeed oo Al-Shabaab la dagaalamayo uu eedeeyo.

War kasoo baxay Xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa lagu sheegay in eedeynta Xildhibaanka ay tahay dareen u hiilinaya Al-Shabaab, isaga oo ugu baaqay guddoonka Golaha shacabka in si hoose loo eego una u baahanyahay baaris Sharciyadeed Xildhibaankaas

Guddoomiyaha Gobalka Hiiraan  Cali Jeyte Cismaan ayaa xusay in xildhibaanka maanta Eedeynayo Ciidamada Dib u xoreynta degaannada Gobalka Hiiraan ee la dagaalamayo Al-Shabaab Deegaanka uu matalo aay haystaan Al-Shabaab midaasna ay tahay  oo ah nasiib daro weyn in uu ka hadlo Dad soomaaliyeed oo iska celinayo Al-Shabaab Dhulkoodana ka xureeynayo.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Gobalka Hiiraan ayaa carabka ku adkeeyay in cidwalbo oo ka hortimaado kacdoonka lagula dagaalamayo Al-Shabaab ay hiil u tahay taas oo aheyd dareen ay dhibsanayeen Abaabulka Shacbiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here