Waxaa shalay Iska hor imaad hubeysan uu dhex maray ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed ee jagboyntiga ku leh deegaanka Jaziira iyo Ciidamada Booliiska Gobolka Banaadir kaasoo sababay dhimasho iyo dhaawac ah.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose Maxamed Ibraahim Barre ayaa sheegay in ciidamadooda la soo weeraray lagana dilay hal askari sidoo kalana laga dhaawacay askari kale.

Advertisement

Gudoomiyaha ayaa ku eedeeyay Booliiska Muqdisho inay dhibaato u gaysteen ciidamada Koonfur Galbeed oo ku sugnaa kastam lagu qaado canshuuraha oo u yaalla jaziira.

“askarina waa naga dileen midna waa naga dhaawaceen”ayuu yiri Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha hoose sida ay sheegtay idaacada Shabelle.

Dhanka kale Taliska Maamulka Gobolka Banaadir wali wax wara kama soo bixin kaasoo ay kaga jawaabayaan eedeymaha kaga yimid dhanka Koonfur galbeed xili saaka ay degan tahay halkii shalay lagu dagaalamay.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Maamulka Sh/hoose oo bogaadiyay qudbaddii uu Madaxweynaha Dalka ka jeediyay  shirkii Golaha Wasiirrada | Somali National Television - sntv.so

Previous articleShan arrin oo lagu diidan yahay qorshaha Xasan Sheekh, iyo waxa ka dhalan kara
Next articleMaxkamada Ciidamada oo xukuntay Askari hore dil u gaystay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here