Waxaa lagu wadaa in saacadaha soo socda ee Maanta ah in uu degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool u ambabaxo Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).

Shalay waxaa degmada Xudur gaaray wafdi horudhac u ah safarka Guddoomiyaha, waxaana hadda Magaalada Xudur ka socota qaban qaabada soo dhaweynta Wafdiga Guddoomiye Aadan Madoobe.

Ujeedka Safarka guddoomiyaha Golaha Shacàbka ee degmada Xudur ayaa lagu sheegay u kuurgelida xaaladda nololeed ee Bulshada degmada iyo la tashiyo uu Saraakiisha Ciidamada kala sameeynayo sida loo bilaabi karo howlgallada ka dhanka ah Aĺ-Shabaab.

Sidoo kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa waxaa safarkiisa qeyb ka ah diyaarinta shirka dib u heshiisiinta Bulshada degaannada Koonfur Galbeed ee uu dhawaan ku dhawaaqay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here