Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan la yeeshay Wakiilka Midowga Afrika ee Mohamed El-Amine Souef, La-taliyaha Dhanka Howlgalka Jeneraal Peter Omola yo Madaxa Siyaasadda ee ATMIS Mudane  Babatunde Taiwo.

Kulanka Guddoomiyaha iyo Saraakiisa howl-galka nabad ilaalinta ATMIS ayaa diiradda lagu saaray adkeynta amniga goobta uu ka furmaayo shirka dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed, kaas oo lafilayo maalmaha soo socda in uu Baydhabo ka furma.

Dhanka kale madaxda ATMIS ayaa waxay soo dhaweeyeen shirka waxayna ballan qaadeen in in ay ka shaqeyn doonaan sugidda amniga, xilli lagu wado in ay ka qeyb galaan madax ka socota Dowladda Federaalka Soomaaliya uu ka mid yahay Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo maanta Baydhabo ku laabanaayo ayaa Xukuumaddiisa faray in ay u diyaar garoowaan shirka dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed, taas oo uu ku baaqay Guddoomiye Aadan Madoobe

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here