Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug waxaa muddooyinkii dambe dib ugu laabanayay Qoysaskii ka barakacay kaddib markii 5 bil kahor magaaladaan xeebta leh ay u gacan-gashay Ciidamada Dowladda Fedeeralka & Daraawiishta DG Galmudug.
Kusimaha Guddoomiyaha Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug Abshir Cabdi Jiirow ayaa sheegay in Dad badan oo deegaanka ah ay dib usoo laabteen maadaama horay ay u barakiciyeen ‘AS’ Markii ay isaga baxayeen Magaaladaan.
Abshir waxa uu tilmaamay in adeegyada Bulshada dib looga howlgaliyay Magaalo Xeebeedka Xarardheere ee Gobolka Mudug oo in ka badan 15 sano ka maqneyd gacanta Dowladda, Saldhigga Ciidanka, Waxbarashada & adeegyo kale ayuu shaaciyay in dib loo hagaajiyay.
Kusimaha Guddoomiyaha Degmada Xarardheere ayaa sheegay in deegaanka weli ay ‘AS’ u jiraan 30 KM illaa 40 KM, qorshaha socda ayuu tilmaamay in lagu gaarayo deegaannada hoostaga Magaaladaan ee gacantooda ka maqan waa sida uu hadalka u dhigay.
“Xaalka guud ee Xarardheere waa degmo nabad ah oo xasilooni iyo kala dambeyn ay ka jirto, Dadkii magaalada ka barakacay dib ayay ugu soo laabtaan, maalin weliba dad horleh ayaa imaanaya, Dadkii horay oo waayay meel u dhaanta ayaa dib usoo laabtay, qof Xarardheere ka guuray meel weliba uu jiro waxa uu rabaa dib usoo laabashada, illaa 40 KM illaa 30 KM ayay ‘AS’ Magaalada u jiraan, adeegyada Dowladda dib ayaa loo howlgeliyay, waxaa inoo shaqeynaya Saldhigga, Maxkamadda, Xafiiska Xeer ilaalinta & Goobaha Caafimaadka, waxaana hadda laga shaqeynayaa Iskuulkii weynaa oo dib u hagaajin lagu wado” ayuu yiri Abshir Cabdi Jiirow oo la hadlay BBC Somali.
Ciidamada Dowladda Federaalka oo kaashanaya Daraawiishta DG Galmudug iyo Dadka Deegaanka ayaa 5 bil kahor qabsaday Magaalada Xarardheere ee Gobolka Mudug oo muddo dheer ay maamuleysay ‘AS’.