HomeCiyaarahaGuddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed oo shir guddoomiyay kulankii guddiga fulinta ee xiriirka

Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed oo shir guddoomiyay kulankii guddiga fulinta ee xiriirka

May be an image of 1 person, newsroom, dais and textGuddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta, Mudane Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine), ayaa maanta shir guddoomiyay kulankii guddiga fulinta ee xiriirka, kaas oo ka dhacay xarunta dhexe ee xiriirka.

Shirka ayaa diiradda lagu saaray qodobo muhiim ah oo la xiriira horumarinta kubadda cagta dalka, kuwaas oo ay ka mid yihiin:

1. Ciyaaraha Saaxiibtinimo ee Xulalka Gabdhaha: Waxaa la ansixiyay in xulka qaranka gabdhaha Soomaaliya iyo xulka gabdhaha Djibouti ay ciyaaraan laba kulan oo saaxiibtinimo ah inta lagu jiro jadwalka FIFA Window ee bisha November. Labada kulan ayaa ka dhici doona Djibouti, waxaana ka qeyb geli doona xulka gabdhaha waa weyn iyo kan da’yarta ee U17.

2. Ansaxinta Xeerka Shatiga Kooxaha (Club Licensing Regulation): Guddiga fulinta ayaa ansixiyay xeerarka maamulka ee kooxaha heer qaran, kuwaas oo looga baahan doono shatiga ciyaaraha si loo hubiyo nidaam, daahfurnaan iyo hufnaan maamulka kooxaha.

3. Ka qeybgalka Tartamada Caalamiga ah:
Waxaa la go’aamiyay qaab cusub oo loo qaabeeyo ka qeybgalka kooxaha Soomaaliyeed ee tartamada caalamiga ah:

• Kooxda ku guuleysata horyaalka dalka waxay ka qeybgali doontaa CAF Champions League iyo CECAFA Kagame Cup.
• Kooxda ku dhameysa kaalinta labaad waxay ka qeybgali doontaa CAF Confederation Cup.

4.Koobka General Da’ud Cup:

Tartanka General Da’ud ayaa la bilaabi doonaa 1-da November. Sanadkan waxaa lagu daray qodob cusub oo dhigaya in kooxda ku guuleysata koobka ay ka qeybgali doonto Tartanka Jaamacadda Carabta (Arab Cup).

Sidoo kale, guddiga Fulinta ayaa go’aamiyay in tartanka dugsiyada la gaarsiiyo dhammaan gobollada dalka, si loo xoojiyo kobcinta iyo fidinta ciyaaraha dhalinyarada.
⸻
DHAMMAAD.May be an image of 6 people, lighting, table, dais and textMay be an image of 1 person, newsroom and textMay be an image of 1 person, newsroom and daisMay be an image of 1 person, dais and textMay be an image of 1 person and daisMay be an image of 1 person, studying and newsroomMay be an image of 1 person and daisMay be an image of 1 person and daisMay be an image of 1 person, dais and newsroomMay be an image of 2 peopleMay be an image of 2 people, dais and text that says "FAHMO KUULE ALI ."May be an image of 1 person, dais and newsroom
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -