Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Wadajir oo bartiisa Facebook ku soo qoray in kulan saacado qaatay uu la yeeshay Ra`iisul Wasaaraha cusub, Maxamad Xuseen Rooble

0

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa bartiisa Facebook ku soo qoray in kulan saacado qaatay uu la yeeshay Ra`iisul Wasaaraha cusub, Maxamad Xuseen Rooble.

Wuxuu sheegay in kulanka oo uu martigeliyay ray`iisul wasaare Rooble uu ujeeddadiisu ahaa is wareysi iyo talo jeedin.

Arrimaha ay diiradda ku saareen wada hadalkooda yauu ku sheegay inay ka mid tahay doorashada oo xilligeeda ku dhacda si caddaalad iyo sinnaan lehna u dhacda.

Wuxuu xusay in ra`iisul wasaaraha uusan dooneyn wax muddo kordhin ah, isla markaana uu daneynayo in doorashadu ay ku dhacdo xilligeeda.

Aqalka Hoose ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa shalay si aqlabiyad leh u ansixiyay Maxamed Xuseen Rooble.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Rooble magacaabay 18-kii bishan September.

Rooble ayaa la wareegi doonaa xafiiskii uu banneeyay ra’iisul wasaarihii isaga ka horreeyay, ee Xasan Cali Khayre, kaas oo 25-kii bishii Luulyo uu guddoonka baarlamaanka sheegay in kalsoonidii lagala laabtay.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here