HomeWarkiiGuddoomiye Aadan Madoobe muxuu kala hadlay Safiirka Boqortooyada Sucuudi Carabiya +SAWIRRO

Guddoomiye Aadan Madoobe muxuu kala hadlay Safiirka Boqortooyada Sucuudi Carabiya +SAWIRRO

Muqdisho-Soomaaliya 17, Diseembar, 2025: Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta xafiiskiisa kulan mira-dhal ah kula qaatay Safiirka Boqortooyada Sucuudi Carabiya u fadhiya Soomaaliya Danjire Axmed Bin Maxamed Almowallad.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka taariikhiga ah iyo iskaashiga walaaltinimo ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Boqortooyada Sucuudi Carabiya, gaar ahaan dhinacyada taageerada hay’adaha dowliga ah, horumarinta Baarlamaanka, iyo iskaashiga arrimaha siyaasadda iyo horumarka.
Safiirka Dowladda Sucuudiga u fadhiya Soomaaliya ayaa bogaadiyay dadaallada Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Baarlamaanka Soomaaliya ee ku aaddan dhismaha hay’adaha sharci-dejinta, wuxuuna xaqiijiyay in Dowladda Sucuudiga ay sii xoojin doonto taageeradeeda ku aaddan horumarka, xasilloonida iyo dib-u-dhiska Soomaaliya.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa uga mahadceliyay Dowladda Sucuudiga doorka ay ka qaadato taageerada Soomaaliya, isagoo si gaar ah u xusay kaalinta ay ku leeyihiin gargaar bani’aadanimo, horumarinta adeegyada bulshada, iyo garab istaagga dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.
Kulanka ayaa ku soo dhammaaday is-afgarad iyo ballan-qaad ku aaddan sii wadidda wada-shaqeyn dhow oo labada dhinac ah, taas oo dan u ah labada dal iyo shacabkooda.
DHAMMAAD.
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Agaasimaha Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta ee Golaha Shacabka BJFS.
Ibraahim Guudle IsxaaqMay be an image of daisNo photo description available.May be an image of dais and textMay be an image of daisMay be an image of one or more people, dais and textMay be an image of dais and text
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -