Wafdi uu Hoggaaminayo ku simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa gaaray Magaalada Baydhabo oo ah Caasimadda KMG Koonfur Galbeed.

Wafdiga Guddoomiyaha ayaa waxaa garoonka ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, Xubno ka tirsan Labada Golle ee Dowlada, Maamulka Gobolka Baay, kan Degmada Baydhabo, Saraakisha Laamaha Amniga iyo Qeybaha kala duwan Bulshada.

Ujeedka Safarka Guddoomiyaha ee Magaalada Baydhabo ayaa wali si rasmi ah loo shaacin, balse Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa soo socdaalay dhanka Magaalada Xudur oo ah Caasimadda Gobolka Bakool, isaga oo halkaas kulamo kala duwan la yeeshay qaar ka mid ah Maamulka Gobolka, Odayaasha Dhaqanka iyo Saraakiisha Ciidanka.

Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa inta uu ku sugnaa Magaalada Xudur waxa uu booqday isbitaalka weyn ee Gobolka, isaga oo dhagax dhigay xarunta Hooyooyinka ee Degmada Xudur, sidoo kale waxa uu booqday cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwo cusubĀ  oo tababar ugu socday magaalada Xudur.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS ayaa 19 November 2022-ka ku baaqay shir ay isugu imaanayaan dhammaan Siyaasiyiinta ka soo jeeda deegaannada Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed; kaas oo diiradda lagu saarayo dib u heshiisiin, walow maamulka koonfur Galbeed uu soo dhaweeyay maalin ka dib shirkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here