Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa waxaa uu kulan la yeeshay saraakiisha ciidanka Qeybta 60-aad Guutada 9-aad ee ku sugan degmada Xudur Gobolka Bakool.

Ku-simaha Madaxweynaha JFS. ayaa Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Booliska ee ku sugan magalada Xudur ee xarunta Gobolka Bakool ku boggaadiyay sugidda amniga deegaanada iyo dadaalka joogtada ah ay ku bixiyaan la dagaalkan Al-Shabaab.

isagoo na ku dhiirageliyay saraakiisha ciidanka ineysan marnaba ka niyad jabin dagaalka dalka lagaga saaarayo Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here