Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa  xafiiskiisa maanta ku qaabilay Safiirka dalka Jamhuuriyadda Jabuuti u fadhiya Soomaaliya Maxamed Ibrahim Yuusuf.

Guddoomiyaha ayaa safiirka kala hadlay xoojinta  xiriirka walaaltinimo iyo midka iskaashi ee ka dhaxeeya labada dowladood ee Soomaaliya iyo Jabuuti. Waxaana uu sidoo kale ka guddooomay dhambaal saalaan uu uga siday  Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Jabuuti Dileita Mohamed Dileita.

Advertisement

Danjire Maxamed Ibrahim Yuusuf ayaa Guddoomiyaha la wadaagay shaqada baaxada leh ka socota dalka, isaga oo tilmaamay in Jabuuti ay kaalinteeda lama ilaawaanka ah ka geeysan doonto la dagaalanka khawaarijta, iyo sidii dalka uu u noqon lahaa mid amnigiisa lagu kalsoonaan karo. Sida lagu yiri qoraal ka soo baxay kulanka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa Safiirka dalka Jamhuuriyadda Jabuuti u fadhiya Soomaaliya Maxamed Ibrahim Yuusuf uga mahadceliyay booqashada uu uga yimid xafiiskiisa, isaga oo ku bogaadiyay dadaalada uu wado safiirka.

Previous article9 Bilood kaddib Ciimada dowladda oo markale la wareegay Degmada Wabxo oo katirsan Gobolka Galgaduud
Next articleMadaxweyne Xasan Sheekh oo kulamo xasaasi ah ka wada Dhuusamareeb

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here