Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka 11aad Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Cabdi xaashi Cabdullaahi ayaa soo jeediyay in mas’uul iyo shacab in wadajir loo wada tasho si looga fogaado dhibaatooyinka kala duwan ee dalka saameynta taban ku reebi kara.

Guddoomiye Cabdi Xaashi oo ka hadlay kulan ku saabsan ‘Wadatashiga Hindise sharciyeedka ilaalinta deegaanka’ si looga faaiideysto khayraatka uu dalka leeyahay loogana fogaado xaalufinta dhirta oo qayb weyn ka ah dhibaatooyinka laga dhaxlo Abaarta.

Advertisement

Nasiib darro ayuu ku tilmaamay in Soomaaliya laga jaro dhirta loona baddelo Dhuxul iyada oo loo dhoofinayo Waddamo aanay haysan dhirtaas la jarayo waa sida uu hadalka u dhigay Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka JFS Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

“Waxa aynu nahay Dal Barwaaqo ah iyo Dad ka baahan, haddii aynaan tashan dhibaato kama baxayno, Hawada ugu fiican baan leenahay, Dhulka ugu barwaaqada badan baan nahay oo halkaas ayaan ka dhex fadhinaa, dhirtii udgoonka badnayn dhul baan ka dhignay oo waxa aan u dhoofinaa Dalal aanay lahayn oo waxaa dhaafsanaa doollar yar, halka baddeena qashinka lagu shubo” Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Guddoomiyaha Aqalka Sare BJFS.

Waxa uu soo jeediyay in qof weliba halkii uu ka jari lahaa dhirta looga baahan yahay in baddelkeeda uu abuuro si dalka uu u wada noqdo dhul barwaaqo & doog ah loogana hortago dhibaatooyinka sida abaaraha oo aafo weyn Dadka iyo duunyada ku ah.

“Waxa aan soo jeedin lahaa in halka aan ka jareyno in aynu billowno in qof weliba hal geed uu gurigiisa kahor beero iyo in aan juhdi weyn sameyno, waan sameyn karnaa oo waxa aan xusuustaa todobaanmeeyadii mashruucii waddada Xamar & Marka isku xira oo bacaad celin lagu sameeyay, wadajir ayaana lagu sameeyay” Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Soomaaliya waxa ay kamid tahay dalalka saameynta taban ku reebtay abaarta, waxaa loo sababeeyaa dhirta oo laga xaalufiyo deegaanka, in la jaro Dhirta waxaa keenay in dhuxul laga shido kaddibna loo dhoofiyo waddamada Khaliijka.

Previous articleSoo laabashada Kylian Mbappe oo ka dhigi karta kooxda cusub ee PSG inay ka soo baxdo Champions League
Next articleMW Xasan Sheekh oo kulan sagootin ah la qaatay Danjiraha Midowga Yurub

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here