Bil kadib markii la Dilay Gudoomiyihii hore ee Degmada Hodon Marxuum Cabdixakiin Cabdiraxmaan Ciise (Dhagajuun) ayaa waxaa manta loo magacaabay Gudoomiye Cusub.

 

 

Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed ayaa maanta guddoomiye cusub u magacaabay Degmada Hodan, kadib wareegto uu soo saaray.

Cumar Filish ayaa guddoomiyaha cusub ee maamulka degmada Hodan ee gobolka Banaadir u magacaabay Cabdifitaax Ciise Dhagajuun, kadib markii la dilay guddoomiyihii degmadaas Marxuum Cabdixakiin Cabdiraxmaan Ciise (Dhagajuun).

Sidoo kale Guddoomiyaha cusub ayaa waxaa la faray inuu si deg-deg ah ula wareego xilkiisa, halkeedana uu kasii wado howlaha maamulka ee degmada.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here