NAIROBI (DAYNIILE.COM)-Xildhibaan hore iyo Fanaan hore Maxamed Cumar Dalxa islamarkaana ahaan jirey Guddoomiye Ku-xigeenkii 1-aad ee hore ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta lagu xanibay dexex saacadood garoonka diyaaraha Joma Kenyatta ee Magaalada Nairobi.
Hay’ada socdaalka ugu qaabilsan Kenya ayaa u sheegtay Dalxa inuu ka mid yahay liiska siyaasiyiin Soomaaliyeed kuwaasoo Dowlada Kenya ay warqad xanibaad ka dhigtay Garoonka Joma Kenyatta.
Danjiraha Somalia ee Kenya Jabriil Ibrahin ayaa markii uu warbixintaasi maqlay si degdeg ah u gaaray Garoonka diyaaradaha Nairobi wuxuuna ku guuleystay inuu ciidamada Kenya ka sii daayo Maxamed Cumar Dalxa kadib dood dheer oo dhexmartay.
Lama oga siyaasiyiinta kale ee amarkaani xanibaada ah uu saameyn doono madaama hay’ada socdaalkus sheegtay inay jiraan siyaasiyiin Soomaali ah in amar xanibaad ay ka taal garoonka.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM
