Guddiga Joogtada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaali oo booqasho rasmi ah ku jooga waddanka Kenya ayaa maanta kulan la qaatay Guddoonka Golaha Senate-ka ee dalka Kenya.

Mudane Cali Shacbaan Ibraahim iyo Afhayeenka Golaha Senate-ka kenya Mudane Amason Jeffah Kingi, ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka wadashaqayn ee ka dhaxeeya labada Gole iyo iskaashiga dhinacyada qibrad wadaagga, sharci dejinta, habka ilaalinta matalaadda, iyadoo la isku fahmay dhammaan qodobada laga wada hadlay.

Advertisement

Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa xubnaha Guddiga joogtada Aqalka Sare xoghayaha Guud ee Aqalka Sare iyo mas’uuliyiin ka tirsan Golaha Senate-ka dalka Kenya.

XIGASHO WARBAHINTA DOWLADA

Previous articleRa’iisulwasaare Xamze oo kulan la qaatay Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka
Next articleMaamulka Jubaland oo sharaxay sida looga gaashaaman karo duufaanta Soomaaliya loo saadaalinayo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here