Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan oo uu wehliyo Abaanduulaha Guutada 4aad Qeybta 27aad ee Ciidamada xooga Dalka Soomaaliyeed Bashiir Mukhtaar Siteey ayaa kormeer ku tagay Tuulooyinka Ceel-Muluq Boos Hareeri iyo Degaanka Alkowsar oo dhawaan Ciidamada Dowlada iyo kuwa Degaanka kala wareegeen Al-Shabaab

Guddoomiyaha ayaa booqday goobihii ay Al-Shabaab kasoo abaabuli jireen Qaraxyada iyo Saldhiga ay ku lahaayeen Degaanka Alkowsar ee Gobolka Shabellaha Dhexe

Maamulka Degmada Aadanyabaal ayaa Gudoomiyaha uga warbixiyey Baahiyaha kajira Degaanada iyo Tuulooyinka laga saaray Al-Shabaab ee hoosyimaada Degmada.

Guddoomiyaha Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa sheegay in dhibaatooyin badan shacabka ku haayeen Al-Shabaab balse hadda waqtigooda dhamaaday lagana saaray intabadan degaanadii ay ku sugnaayeen

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale xusay in saacadaha soo socda la soo gabagabeyn doono Howgalka lagula wareegayo Degmada Runirgood ee Gobolka Shabellaha Dhexe oo ay kaabiga ku haayaan Ciidamada xooga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Degaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here