GUDDOOMIYE SHEEKH AADAN MADOOBE OO SHIR GUDDOOMIYEY KALFADHIGA 3-AAD KULANKIISA 7-AAD

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe ayaa maanta shir guddoomiyay kalfadhiga seddaxaad kulankiisa 7-aad oo ajandihiisu ahaa dhaarinta xubnaha cusub ee Golaha Wasiiradda, hadal jeedinta Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo qeybinta ajandayaasha guud ee Golaha Shacabka.

Advertisement

Kulanka waxaa goob joog ahaa Guddoomiye ku-xigeenada Golaha, Guddoomiyaha oo hadal ka jeediyay kulanka ayaa dul istaagay sidii xildhibaannada ay ugu hoggaansami lahaayeen Xeer-hoosaadka Golaha Shacabka, isagoona sheegay in la ilaaliyo anshaxa xildhibaanka uu leeyahay. Guddoomiyaha ayaa xusay in kalfadhiyadii 1-aad iyo 2-aad la qaaday talaabo aad u wanagsan, taas oo muhiim u ah hanaanka geedi socodka dowladnimadda dalka, waxaana uu Guddoomiyuhu dhanka kale xildhibaannada ka codsaday in kalfadhigan aad loogu doodi doono dib u eegista Dastuurka Federaalka Soomaaliya kaas oo muhiimad gaar ah siinaya ku dhaqanka iyo fahanka dowladnimada dalka.

DHAMMAAD

Previous articleCiidamo Danab iyo Darwaashita Jubalaand oo gaaray deegaanno ku dhaw Jilib & Xaalada Oo kacsan
Next articleRW Xamse oo xalay la kulmay Ra’iisul Wasaarayaal hore

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here