Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Caasimadda Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale ayaa ka hadlay xilka uu Maanta u magacaabay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaalia Xasan Sheekh Maxamuud.

Guddoomiye Madaale oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa uu ugu mahadceliyay Madaxweyne Xasan Sheekh oo xilka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir mar kale u magacaabay, sidoo kale wuxuu u mahadceliyay Ra’iisul Wasaare Xamse Barre.

Sidoo kale Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa u mahadnaqay  shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Gobolka ee soo dhaweeyay magacaabistiisa, wuxuuna tilmaamay inuu dib u soo celin doono hindisihii weynaa ee “Hal doolar dalkaada ku dhis”.

“Walaalayaal waxaa inoo balan ah inaan dib usoo celino hindisihii weynaa ee “Hal doolar dalkaada ku dhiso” Ee aan jidadka magaalada ku dhisnay iyo midkii ahaa “Saaxiib hagaaji hortaada” oo aan kusoo celineynay nadaafada iyo bilicda caasimada muqdisho” ayuu  yiri Sheekh Yuusuf Madaale.

Qoraalkiisa wuxuu intaas kusii daray “waxaa intaas dheer inaan ka dhabeyno rajadiinii eheyd inaan helno maqaamka magaalada muqdisho oo shacabkeedu is doortaan hadduu uu alle yiraahdo iyo metelaad Gobalka Banaadir”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale u magacaabay inuu noqdo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here