Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Wadajir, Warta Nabadda, Cabdicasiis iyo Kaxda ayaa Shacabka Degmooyinkaas ugu baaqay in laga wada qaybgalo howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ ee socda taageerana ay u muujiyaan howlgalladaas.

4taan Guddoomiye Degmo waxa ay hoosta ka xariiqeen in kaalinta Shacabka ee howlgallada ka socda deegaannada kala duwan ay tahay mid taagan sidaas awgeed looga baahan yahay door firfircoon oo uu shacabka ku yeesho sida ay sheegeen.

Advertisement

Waxa ay tusaale usoo qaateen howlgallada amniga lagu sugayo ee Magaalada Muqdisho ay ka sameeyeen Ciidamada ammaanka ee sida gaarka ah loogu wareejiyay mas’uuliyadda amni sugidda ah waa sida ay hadalka u dhigeen.

Ka guddoon ahaan ayay ballanqaadeen in ay shacabka dhex taagnaan doonnaan mar weliba si ay u gutaan waajibka ka saaran isku xirka Dowladda & Bulshada maadaama ay wakiilo u yihiin Shacabka Degmooyinka ay u magacaaban yihiin.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale ayaa kormeer uu ugu kuurgalayo amniga qaybo kamid ah Caasimadda waxa uu ku tagay Degmooyinka Wadajir, Warta Nabadda, Cabdicasiis iyo Kaxda

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here