Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Jawaari oo gaaray Baydhabo

0

Wararka ka imaanaya Magaalada baydhabo ayaa sheegaya in Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka federaalka  Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) uu  maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Wararka ayaa sheegaya in jawaari ay si diiran ugu soo dhaweeyeen halkaas, Boqolaal dadweyne ah iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka K/Galbeed.

Jawaari ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Shaatigadiid ugu hortegay, soona dhoweeyey, guddoonka baarlamaanka Koonfur Galbeed, xildhibaano, wasiiro ka tirsan maamulkasi iyo boqolaal shacab ah.

sidoo kale Ujeedka socdaalka Xildhibaan Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa waxaa lagu sheegay inuu la xiriiro ka qeyb-galka munaasabadda furitaanka kalfadhiga labaad ee baarlamaanka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed oo dhowaan ka dhaceysa halkaasi.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here