Guddoomiyihii hore ee G/Banaadir ahaana duqii Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed ayaa soo dhaweeyey heshiiiskii Turkiga iyo Soomaaliya sida aan ka soo xiganay Universal TV.

Taabid ayaa yiri”Waxaan si weyn u soo dhaweynayaa heshiiska Dowladda Soomaaliya iyo Türkiye oo maanta Goleyaasha Dowlada Faderaalka Soomaaliya ee fulinta Xukuumada Soomaaliya iyo Labbada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ansixiyeen oo ah mid taariikhiya.

Waa taariikh dib isu qoreysa haddii ay noqon laheyd mid qarniyo ka hor iyo Gurmadkii walaal ee 2011 markii ay Dowladda Türkiye iyo Shacabkeeda oo si lixaad leh inoogu soo gurmadeen, dunidana wada tuseen in Soomaaliya tahay dal iyo dad mudan garab istaag, sharaf iyo karaamo, waana mid aan marwalba ka filano walaallaheen Dowladda Türkiye, Shacabkeeda iyo Madaxweyne Erdoğan. Mahad-badan!

Waxaa hadda ina horyaal waa inaan si buuxda u garab istaagno dowladdeena wejiga labbaad ee xorreynta dalka iyo ciribtirka argagixisada”.
Previous articleDAAWO: Muuse Biixi “Xasan Sheekh ama Turki heshiis hala galo ama Masar, nagama hor istaagi karo inaan fulino heshiiskii aan la galnay Itoobiya”
Next articleXildhibaan C/raxmaan C/shukuur dhor su’aal ka keenay heshiiskii Dowladu la gashay Turkey

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here