Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo maanta kulan ku yeeshay xarunta Villa Hargaysa, ayaa ka wada hadlay dardar gelinta howlaha shaqo ee hortebinta u leh Baarlamaanka 11-aad.

Sidoo kale Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka JFS, ayaa isla gartay in ay si wadajir ah u wajahaan kalfadhiga saddexaad sharciyada iyo howlaha kale ee muhiimka u ah dalka, sida dhammasytirka wax ka bedelka  Dastuurka KMG ah, ka howlgelidda heshiisyadii ay gaareen Madasha Wadatashiga Qaran iyo qodobo kale oo muhiim ahaa

Advertisement

Kulanka wada-tashiga ah waxaa ka qeyb galay Guddoomiye Ku-xigeennada Golaha Shacabka BJFS Marwo Sacdiya Yaasiin Haaji Samatar, Cabdullahi Cumar Abshirow iyo habdhowraha Aqalka Sare, Senator Samsam Ibraahim Cali oo ay wehliyaan xoghayayaasha labada gole ee Baarlamaanka, Cabdinaasir Ibraahim Guuleed iyo Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle (Jaabiri).

Previous articleXafiiska Hantidhowrka guud ee Qaranka ayaa sheegay in khasnada dowladda laga waayay lacag gaaraysa 21 Milyan oo dollar
Next articleQarax ka dhacay caawa magaalada Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here