Gudi ka kala socda Wasaarada Gaashaandhiga iyo Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ayaa maanta lagu wadaa inay gaaraan Magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hirshabelle.

Gudigaan ayay Dowladu u dirtay inay soo qiimeeyaan dagaalkii shalay ka dhacay Jowhar kaasoo u dhexeeyay Ciidamada kumaandooska Danab iyo kuwa maamulka Hirshabelle.iyadoo la ogyahay in dagaalkaasi dhimasho iyo dhaaawacba uu geystay.

Advertisement

Wasaarada Gaashandhiga waxay qiimeyneysaa dhacdada madaama ay masuul ka tahay labada ciidan ee isku dhacay iyadoo maxkamadana lagu wado inay shaqadeeda qabsato hadii labada dhinac midkood lagu helo danbi dil ama dhaawac.

Wafdigaan shaqada ay Jowhar u tageen waxay u badan tahay inay maalmo qaadan doonto madaama gar loo qeybinayo labada dhinac oo dhanka Hirshabelle ay sheeganeyso in askari laga dilay halka  kuwa danab-na ay sheeganayaan in hore gudaha Jowhar looga soo dilay askari.

Sidoo kake Wafdiga waxaa lagu wadaa inay sida ugu dhaw u gaaran Magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hirshabelle si loo kala saaro dhinacyada.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

 

Previous articleMaxkamada Ciidamada oo maanta la hor keenay masuuliyiin Dowlada ka tirsan+SAWIRRO
Next articleRa’iisulwasaare xigeenka Dalka oo ku dhawaaqay xaalad halis ah oo ka dhalatay roobabka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here