Gudiga Baarlamaabka Dhameestirka Sharciga Doorashada oo Gudoomiye Doortay

Guddi-wadajirka ku meel.gaarka ah ee soo diyaarinta xeerarka dhamaystirka sharciga doorashooyinka Qaranka oo maanta yeeshay kulankoodii labaad ayaa ku doortay guddoomiye,guddoomiye ku xigeen iyo xoghayaha guddiga.

Kulanka waxaa shir guddoominaayay guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Golaha Shacabka mudane Cabdi-weli shiekh Ibraahim Muudeey.

sidoo kale waxaa goob joog ahaa Habdhowraha Golaha Shacabka Xildhibaan maxamed cabdullahi Xassan Nuux.

Guddoomiyaha Guddi-wadajirka ku meel.gaarka ah ee diyaarinta xeerarka dhamaystirka sharciga doorashooyinka Qaranka ayaa loo doortay xildhibaan Ibraahim Yaroow Isaaq halka
Guddomiye ku xigeenka guddiga loo doortay senator jawaahir Axmed cilmi iyadoo
Xoghayaha guddiga loo doortay xildhibaan lufti shariif maxamed.

Guddigaan oo ay horay u magacaabeen guddoomiyaasha labada aqal ee baarlamaanka dalka ayaa shaqadoodu tahay sida ay u soo dhamaystir lahaayeen xeerarka muhiimka u ah sharciga doorashooyinka qaranka oo ay haray u ansaxiyeen labada aqal ee baarlamaanka,isla markaana uu saxiixay madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulllahi Maxamed Farmaajo.

Guddoomiye ku xigeenka kobaad ee Golaha Shacabka Mudane Abdi-Weli shiekh Ibraahim muudeey ayaa kula dardaarmay Guddi-wadajirka ku meel.gaarka ah ee diyaarinta xeerarka dhamaystirka sharciga doorashooyinka Qaranka in ay soo dadajiyaan xeerarka muhiimka u ah sharciga doorashooyinka qaranka.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064