Muqdisho: Nofeembar 18, 2025, Guddiyada u xilsaaran Dib-u-eegista Dastuurka ee kala ah Guddiga Madaxabannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka iyo Guddiga Lasocodka Dib-u-eegista Dastuurka ee Baarlamaanka ayaa maanta soo gabagabeeyey kulan howleed socday muddo afar maalmood ah.
Kulammadan ayaa lagu soo bandhigay soo jeedimaha Wax-kabeddelka cutubyada 5aad ilaa 9aad ee Dastuurka iyo warbixin faahfaahinaysa soo jeedimaha, intii ay socdeen kulammadan ayeyna xubnaha labada guddi ku lafagureen:
- Cutubka 5aad: Nidaamka Federaalka iyo Baahsanaanta awoodda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya;
- Cutubka 6aad: Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya;
- Cutubka 7aad: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya;
- Cutubka 8aad: Golaha Wasiirrada; iyo
- Cutubka 9aad: Garsoorka.
Guddoomiyaha Guddiga Madaxabannaan ee Dastuurka Burhaan Aadan Cumar iyo Guddoomiyaha Guddiga Lasocodka Dastuurka ee Baarlaamka Xil. xusseen Qaasim Yuusuf “Idow” oo si wadajir ah u shir guddoominayey kulammadan ayaa u mahadceliyey dhammaan xubnaha labada guddi iyo dhabar adeegga ay muujiyeen intii lagu guda-jiray soo bandhigidda cutubyada 5aad ilaa 9aad ee Dastuurka iyo warbixin faahfaahinaysa soojeedimaha.











