GARBAHAAREEY (DAYNIILE.COM)-Warar ku dhaw dhaw Dowlada Somalia ayaa sheegaya in dhawaan gudiga doorashooyinka madaxa banaan ay tagayaan Magaalada Garbahaareey oo ah xarunta Gobolka Gedo ee Maamulk Jubaland.
Guidiga Doorashooyinka iyo Maamulka Gobolka Gedo ayaa isku afgartay in gudigu halkaasi gaaro si loo balaariyo howlaha gudiga oo maalmihi ugu dambeeyay shaqadooda ka bilaabay Maamulada Galmudug iyo Koofur-galbeed.
Wararku waxay intaasi ku darayaan in gudiga dar dar gelinta howlaha doorashooyinka ka bilaabi doonaan Garbahaareey iyagoona ugu horeyn maamulka la kulmi doonaan si looga caawiyo qaabka gudigaani shaqadiisa u qabsan lahaa.
Maamulka Garbahaareey ayaa la soo sheegayaa inuu gudiga ka caawin doono diyaarinta goobihii shacabka lagu diiwaan gelin lahaa,waxaana arimahaasi oo dhan iyo tagista gudiga ee Garbahaateey ka wada hadlay Gudoomiyaha Magaaladaasi iyo Gudoomiyaha Gudiga Doorashooyinka madaxa banaan ee Soomaaliya.
Si kastaba lama yaqaan sida Dowlada Somalia ugu suurtageli doonto fulinta howlahaani madaama wali uu taagan yahay khilaadka Dowlada kala dhexeeya Axmed Madoobe oo sheegtay inuu Madaxweyne u yahay Maamulka Jubaland inkastoo Dowladu Geddo awood ku leedahay xili ciidamada Axmed Madoobana iskula sugan yihiin Geddo.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM