Guddiga doorashooyinka Heer federaal ayaa sheegay in maanta gaareen 200 xildhibaan oo isugu jira labada gole kuwaasi oo qaatay shahaadda xildhibaanimo.
Qoraal kasoo baxay Guddiga ayaa u qornaa sidaan “Waxaan xirnay 200 oo Xildhibaan, isku darka labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Shahaado bixintu dardar bay ku socotaa, dhaarintuna waa dhawdahay”.