MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Kulankii Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya uu maanta u balansanaa ayaa mar kale u baaqday kooram la’aan xili Guddoomiye Aadan Madoobe uu cara badan ka muujiyay arintaasi, wuxuuna soo saaray digiin adag.
Gudoomiyaha oo careysan ayaa sheegay in markii 3-aad shirka baaqdo isagoo tusaale u soo qaatay in sedex maalin gudahood uu laba jeer kooram la’aan u baaqday sida doraad iyo maanta wuxuna si cad u sheegay in maanta ay digniin kama danbeys ah bixinayaan.
“waxan digniin kama danbeysan ka bixinayaa madaama dadka la canaan karin hada kadib waxan ku dabaqeynaa xildhibaanada iska maqnaada xeer hooska noo qoran” ayuu yiri Gudoomiyaha
Mar uu si toos ah ugu hanjabayay xildhibaanada sababta u ah in shirarku baaqdaan ayuu sheegay in wixii hada ka danbeeya ay ka jari doonaan mushaarkiisa xildhibaan kasta ee fasax la’aan iska maqnaada,wuxuuna goobta ka khariyay qodobka xeer-hoosaadka ee qeexaya in xildhibnaanka mushaarka laga jaro.
“Xidlhibaanada waxaan rabaa inaan xasuusiyo xeer hoosaadkeena wuxuu qorayaa qodobka 23-aad farqadiisa 16-aad Xildhibanka waajibkiisa maqnaansho darteed ku gudan waaya jidka u banaan inuu golau marsiisyo taaso ah in xuquuqdiisa laga jaro” ayuu yiri Gudomiye Aadan Madoobe.
Gudoomiyaha oo ka sheekeeyay digniin hore iyo talaabooyin xitaa ay qaadeen taasoo ah in xildhibaanada ka maqnaada kulamada si uu isugu xishoodo in magaciisa laga yeeriyo shirka balse iyadiina waxba lagu tusaala qaadan waayay.
Dhanka kale Gudoomiye Aadan Madoobe wuxuu sheegay in dhankooda Gudoonka ay qaladaadka wax ku leeyihiin sida uu sheegay madaama ay dabaqi waayeen xeer hoosaadka oo ay sameeyeen isku dayo kale oo looga baaqsan karo in xeerhoosaadka lagu qaado xildhibaanada iska maqan taasoo ula jeedo hada kadib kaliya inay mesha ugu danbeysa isla aadi doonaan oo ah in mushaarka laga jaro.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
