Jowhar (dayniiile,com)-Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle C/xakiin Luqmaan Xaaji Maxamed ayaa shir jaraa’id uu qabtay wuxuu kaga hadlay dagaal culus oo galabta dhex maray ilaaladiisa iyo kuwa milatariga Danab.

Dagaalkaani wuxuu gaystay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh kuwaasoo isuu jirey masuuliyiin iyo ciidamadii dagaalamayay.

Advertisement

Gudoomiye C/xakiin Luqmaan wuxuu sheegay in isaga iyo wafdio uu hogaaminayay oo safar shaqo ugu sii jeeday Magaalada Muqdisho av weerar kadisa ku soo qaadeen Ciidamada kumaandooska Danab meel ku dhaw garoonka diyaaradaha Jowhar.

C/xakiin Luqmaan wuxuu xusay in ciidamadii ilaalinayay ee madaxtooyada Hirshabelle qaana la dilay kuwo kalana la dhaawacay sidoo kale xildhibaano la socday qaarkood la dhaawacay.

Masuulkaan wuxuu intaasi ku daray inay Dowlada ka sugayaan jawaab degdeg ah oo ay arintaani kaga hadleyso.

“waan ka xumahay in ciidamadii garabka noo ahaa ee ilaaladana ka ahaa garoonka diyaaradaha Jowhar ay si lama filaan ah rasaas iyo sabano noogu garaacaan, waxaan leeyahay inta dhimatay Rabi ha u naxariisto in dhaawacana waxaan leenahay Allaha caafiyo”ayuu yiri Gudoomiye Luqmaan

Dhanka kale wuxuu ugu baaqay dowlada inay jawab degdeg ka siiyo falka galabta ka dhacay Jowhar.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleFurneo High Gloss & Matt White Living Room Set TV Stand Display Cabinets MilClif Blue LED Lights
Next articleDowlada oo ka qeybgaleysa shirka caalamiga ah ee isbeddelka cimilada

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here