Muqdisho, Oktoobar 05, 2023: Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Turkiga Amb. Ibrahim M. Yagli.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa marka hore Danjiraha uga tacsiyeeyay qaraxii argagaxiso ee ka dhacay Magalada Ankara. Sidoo kale waxay ka wada hadleen taageerada Baarlamaanka Soomaaliya, xoojinta xiriirka iyo wada shaqeynta Baarlamaannada Soomaaliya iyo Turkiga. Guddoomiyaha ayaana ammaanay doorka Dowladda Turkiga ka qaadato lagaalanka argagaxisada.

Advertisement

XIGASHO: WARBAAHINTA DOWLADDA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here